Wednesday, August 26, 2015

NIMCOOYINKA DALKEENNA IYO KA DAAHNAANTA DADKEENNA!

Waa xeeb quruxda Rabbi ku mannaystay ee istaahisha dalxiiska caalamiga ah, horena ay waayuhu uga soo marag-keceen, kasow khayraadka dihan ee Alle uu dhigay aanuu ahayn mid u baahan in gudaha loogu sii safro baddan, sida anigu aan markhaati ka noqday!

Waa xeebta Bilan ee bariga magaalada Muqdisho oo marka laga reebo maalmaha dabaayaqada toddobaadka aan buuq badnayn, sawaxan badanna lahayn.

Anigoo jooga gurigayga ayay naftaydu muhatay inaan tago xeebtaas, oo aan daawado muuqaallada quruxda badan ee mawjadaha ka kacaya badweynta Inida, xilli lagu jiro xagaa, oo roobka shuuxa ah aanuu ka qaadin ama ka joogsan Muqdisho.

Intii aan joogay xeebta ee aan hadba dhinac u qooraansanayay, ayaa ay yimaaddeen meel aan iga fogayn saddex nin oo wata shabaagta badda lagaga kalluumaysto, taasoo aan ka aaminsanaa oo kaliya in doonni lagu qaado oo lagaga soo dhex tago badda, oo saacado kaddib lagu noqdo oo dabin badeedkaas loogu tago kalluun ku dhacay.

Imika arrintu sidaas aad ayay uga duwantahay!

Laba ka mid ah raggii agtayda yimid ayaa badda galay, halka ninkii saddexaadna uu dibadda ugu sii hayay dharkii ay beddesheen ee ay markii hore xidhnaayeen.

Labada nin ee badda galay waxay kala istaageen laba dhinac iyagoo gacanta ku hayay shabaggii ay siteen, biyahana hore uma aanay gelin ka badan toban mitir qiyaastii, haddii aan si kale u dhigana halka ay carruurtu ku dabbaashaan, waxana aan xiisaynayay bal waxa ay samaynayaan inaan si deggen u daawado!

Muddo toban daqiiqo ah ayay labadii nin dib ula soo noqdeen shabaggii, kaasoo markii bannaanka la keeneyna laga soo saaray kalluun farabadan, oo muggiisu aan ku qiyaasay in ka badan soddon kiiloo garaam.

Mid ka mid ah kalluunkaas oo qiyaastii saddex kiiloo ahaa ayaa la iga siiyay laba doollar ($2).

Way yartahay, dunidana naadir ayay ku tahay in laba nin ay muddo 15 daqiiqo ka yar iyaga oo aan badda gudaha u gelin ay helaan qiyaasta soddon kiiloo oo kalluun ah.

Khayraadka yaalla badda dalkeennu waa mid runtii inta badan dadkiisu ay ka qatanyihiin, waxase xusid mudan in dadka Soomaalida in badan oo ka mid ah ay ka shaqeeyaan baabi'inta khayraadkaas, halka ay ka indhosaabanyihiin ka faa'idaysigiisa.

Sawirro dheeraad ah ka daawo xagga hoose. 









Adam Shardi Ahmed
www.adamshardi.blogspot.com
Skype ID: adam.shardi
Soundcloud: https://soundcloud.com/adam-shardi
Facebook: ashardi1

4 comments:

  1. Sawirro kale oo dheeraad ah ciddii jecel in aan u diro fadlan ha igala soo xidhiidhaan emailka adamshardi@yahoo.com

    Mahadsanidiin.

    ReplyDelete
  2. Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tahay walaal sida fiican ee aad noogu baraarujisay nimcawada wadhan dalkeena. Waad ku mahadsan tahay, runtiii waxa loo baahan yahay dad sidaada oo kale dalka u damqanaya oo daacad ugu shaqaynaya

    ReplyDelete
  3. Warkaan dalka ayuu ii soo raray Canada anigoo degen. Thanx a lot Adam.

    ReplyDelete