Thursday, November 23, 2017

Dadkoo soo badanaya iyo dunnidoo sii dulloobaysa

Sinjingeenna homo sapeines-ka ayaa sida la qiyaaso soo baxay muddo laga joogo in ka badan laba boqol oo kun oo sannadood, xilli khayraadka dunidu uu dihnaa, xayaawannada, iyo dhirtuna ay ku naalloonayeen degaan caafimaad badan oo nadiif iyo ammaan ah.

Kororka aadanuhu inkasta oo uu si aayar-aayar ah ku bilowday markii dadku ay joojiyeen socdaalkii raadinta nolosha la xidhiidhay ee ay muddo laga joogo toban iyo laba kun oo sannadood ay bilaabeen inay bartaan dhaqashada xoolaha iyo beerashada, taasoo sababtay inay dadku salka dhigtaan, degaanna ay noqdaan, xilligaas oo tirada aaduhu ay bilaabantay inay si xawaare ah ku korto, taasoo xilliyadii ka sii dambeeyeyna sii laba lixaadisay xaddigii kororka.

Muddo imika laga joogo saddex kun oo sannadood, waxaa dunida ku noolaa 250 milyan oo qof.


Inkastaoo xawaaraha kororka aadanuhu uu ahaa mid hadba heer goonni ah kor ugu kacayay, haddana waxaa soo maray dunida in kororkaasi uu xilliyo gaabiyo, tusaale ahaan qarnigii 14-aad oo xanuunkii Plague uu ka dillaacay Yurub kaasoo dilay kala badh dadkii qaaraddaasi.

Sannadkii 1500 ee miilaadiga waxaa dunida ku noolaa 500 milyan oo qof, iyadoo Kacaankii Warshaduhu uu door muhim ah ka qaatay soo saaridda iyo hindisidda dawooyin lagula dagaallamayay xanuuno badan oo si sahaalo ah dadka noloshooda u galaafanayay.

Sannadku markuu ahaa 1820-kii dadka dunidu waxay noqdeen hal Bilyan, ama 1000 malyan oo ruux, boqol sano kaddibna, waa 1920-kii tirada dadka ee dunidu waxay noqotay laba Bilyan ama 2000 malyan oo qof, markasta oo ay dadku bataanna waxaa sare u sii kacayay xawaaraha kororka dadka ee xilli hadba ka gaaban xilligii ka horreeyey, waayo halka boqol sano gudahood ay kordheen hal bilyan oo qof, markan xawaaruhu xawli ayuu ku sii dhaqaaqay.

Sannadkii 1960-kii dadka dunidu waxay noqdeen saddex Bilyan oo qof, muddo 40 sano gudaheed ah ayaa ay dabcan kordheen 1000 malyan oo qof ama hal Bilyan, iyadoo sannadkii 2006-na ay dadka dunidu noqdeen toddoba bilyan oo qof.

Inkasta oo la filayo in caqabadaha ay aadanuhu wajihi karaan ay yarayn karto xawaaraha kororka dadka, haddana agagaaraha sannadka 2100 waxaa la filayaa inay dadka dunidu ahaadaan kow iyo toban bilyan.

Kororka dadka dunida waxaa barbar socda khasaare iyo faa’iido midba uu saamayntiisa leeyahay!

Horumarka teknolojiyadeed ee xawaaraha ku socda, waxa uu la jaanqaadayaa badashada bulshada adduunka, iyo horumarka cilmigooda.

Waxase indhaha aan laga qarsan Karin in waxyeellada soo gaadhaysa dhulkii, gaar ahaan degaankii, duurjoogtii, iyo nabaddii dunidu ay yihiin kuwo la socda kororka aadanaha.
Waxana aan shaki ku jirin inay aadanenimadu marxalado adag wajihi doonto, kuwaasoo sababtoodana isla bini’aadamka loo aanaynayn doono.

Haddaba aynu is weydiinno...

Dhulku ma sii xamili karaa gawaadhi farabadan iyo warshado degaanka dikhow ku keena?
khayraadka dunidu ma ahaanayaa mid sidii loogu talo galay looga faa’idaysto?

Xayawaannada iyo duurjoogtii sidii hore dhulka guudkiisa ma ugu badbaadi doonaan?


Dhirtii iyo hawdadkii dunidu ma sii nabadgeli doonaan?

Cimillada adduunku ma noo ahaan doontaa sidii hore ay abid u soo ahayd?
Intee masaa’ibta aadane sameega ah ay abaaro, barakac, iyo cudurro dadka dunidan ku keeni doonaan?

Dadkan sii kordhaya ee dunidu ma isku fahmi doonaan maaraynta iyo cayminta khayraadka iyo waxyaabaha nolosha aadanuhu ku tiirsantahay oo dhan, mise dagaallo keeni kara barakac iyo dhimasho hor leh ayay sababi doonaan?

Inkasta oo wax la qariibsado oo naadir ah tahay in ummadaha dunidu ay isku raacaan tallaabooyin dadka iyo degaanka dan u ah, haddana ka ummad ahaan dalalka khayraadkoodu uu dihan yahay, sida kuwa Afrika, isla markaana ah kuwa ugu faqrisan adduunka, tirada ugu badan ee dad ahaaneedna samaynaya, waxay fursad wayn u haystaan hirgelinta cahdi lagu cayminayo khayraadkooda, iyo inay dowladohoodu abuuraan tallaabooyin ficil ahaan u hirgala oo ay shacabkooda ku hanuuniyaan waddo lagu badbaadinayo khayraadkooda, iyadoo loo marayo dhawridda degaanka oo ay noloshu siyaabo toosan iyo dadban ugu xidhantahay, taasoo haddii ay hirgasho la fili karo inay barwaaqo ku sii naalloon karaan xilli dunnida horumartay ay ka basaastay in badan oo ka mid ah nimcooyinka Rabbaaniga ah.

Soomaalidu oo ah dad tiro ahaan sii kordhaya, balse weli haysta dhul aan cidhiidhi marar dhow ku noqon karin waxa horyaalla fursado u baahan in laga faa'idaysto, kuwaasoo ay rukumo u noqon karaan maamullo hagaagsan iyo dad u carbisan inay dhaxal wacan u dhigaan jiilalka iman doona iyo kuwa maanta u nool.


Haddaba dadka soo badanaya waxay sii dullaynayaan dunnidii ay ku noolaayeen, iyagoo ka daahan oddorosaadda timaaddada, kuna takri falaya tigaadda xilligan.

Adam Shardi Ahmed
Journalist
Facebook: ashardi1
Skype: adam.shardi 
Email: adshardi@gmail.com, adamshardi@yahoo.com

Soundcloud: https://soundcloud.com/adam-shardi