Thursday, November 23, 2017

Dadkoo soo badanaya iyo dunnidoo sii dulloobaysa

Sinjingeenna homo sapeines-ka ayaa sida la qiyaaso soo baxay muddo laga joogo in ka badan laba boqol oo kun oo sannadood, xilli khayraadka dunidu uu dihnaa, xayaawannada, iyo dhirtuna ay ku naalloonayeen degaan caafimaad badan oo nadiif iyo ammaan ah.

Kororka aadanuhu inkasta oo uu si aayar-aayar ah ku bilowday markii dadku ay joojiyeen socdaalkii raadinta nolosha la xidhiidhay ee ay muddo laga joogo toban iyo laba kun oo sannadood ay bilaabeen inay bartaan dhaqashada xoolaha iyo beerashada, taasoo sababtay inay dadku salka dhigtaan, degaanna ay noqdaan, xilligaas oo tirada aaduhu ay bilaabantay inay si xawaare ah ku korto, taasoo xilliyadii ka sii dambeeyeyna sii laba lixaadisay xaddigii kororka.

Muddo imika laga joogo saddex kun oo sannadood, waxaa dunida ku noolaa 250 milyan oo qof.


Inkastaoo xawaaraha kororka aadanuhu uu ahaa mid hadba heer goonni ah kor ugu kacayay, haddana waxaa soo maray dunida in kororkaasi uu xilliyo gaabiyo, tusaale ahaan qarnigii 14-aad oo xanuunkii Plague uu ka dillaacay Yurub kaasoo dilay kala badh dadkii qaaraddaasi.

Sannadkii 1500 ee miilaadiga waxaa dunida ku noolaa 500 milyan oo qof, iyadoo Kacaankii Warshaduhu uu door muhim ah ka qaatay soo saaridda iyo hindisidda dawooyin lagula dagaallamayay xanuuno badan oo si sahaalo ah dadka noloshooda u galaafanayay.

Sannadku markuu ahaa 1820-kii dadka dunidu waxay noqdeen hal Bilyan, ama 1000 malyan oo ruux, boqol sano kaddibna, waa 1920-kii tirada dadka ee dunidu waxay noqotay laba Bilyan ama 2000 malyan oo qof, markasta oo ay dadku bataanna waxaa sare u sii kacayay xawaaraha kororka dadka ee xilli hadba ka gaaban xilligii ka horreeyey, waayo halka boqol sano gudahood ay kordheen hal bilyan oo qof, markan xawaaruhu xawli ayuu ku sii dhaqaaqay.

Sannadkii 1960-kii dadka dunidu waxay noqdeen saddex Bilyan oo qof, muddo 40 sano gudaheed ah ayaa ay dabcan kordheen 1000 malyan oo qof ama hal Bilyan, iyadoo sannadkii 2006-na ay dadka dunidu noqdeen toddoba bilyan oo qof.

Inkasta oo la filayo in caqabadaha ay aadanuhu wajihi karaan ay yarayn karto xawaaraha kororka dadka, haddana agagaaraha sannadka 2100 waxaa la filayaa inay dadka dunidu ahaadaan kow iyo toban bilyan.

Kororka dadka dunida waxaa barbar socda khasaare iyo faa’iido midba uu saamayntiisa leeyahay!

Horumarka teknolojiyadeed ee xawaaraha ku socda, waxa uu la jaanqaadayaa badashada bulshada adduunka, iyo horumarka cilmigooda.

Waxase indhaha aan laga qarsan Karin in waxyeellada soo gaadhaysa dhulkii, gaar ahaan degaankii, duurjoogtii, iyo nabaddii dunidu ay yihiin kuwo la socda kororka aadanaha.
Waxana aan shaki ku jirin inay aadanenimadu marxalado adag wajihi doonto, kuwaasoo sababtoodana isla bini’aadamka loo aanaynayn doono.

Haddaba aynu is weydiinno...

Dhulku ma sii xamili karaa gawaadhi farabadan iyo warshado degaanka dikhow ku keena?
khayraadka dunidu ma ahaanayaa mid sidii loogu talo galay looga faa’idaysto?

Xayawaannada iyo duurjoogtii sidii hore dhulka guudkiisa ma ugu badbaadi doonaan?


Dhirtii iyo hawdadkii dunidu ma sii nabadgeli doonaan?

Cimillada adduunku ma noo ahaan doontaa sidii hore ay abid u soo ahayd?
Intee masaa’ibta aadane sameega ah ay abaaro, barakac, iyo cudurro dadka dunidan ku keeni doonaan?

Dadkan sii kordhaya ee dunidu ma isku fahmi doonaan maaraynta iyo cayminta khayraadka iyo waxyaabaha nolosha aadanuhu ku tiirsantahay oo dhan, mise dagaallo keeni kara barakac iyo dhimasho hor leh ayay sababi doonaan?

Inkasta oo wax la qariibsado oo naadir ah tahay in ummadaha dunidu ay isku raacaan tallaabooyin dadka iyo degaanka dan u ah, haddana ka ummad ahaan dalalka khayraadkoodu uu dihan yahay, sida kuwa Afrika, isla markaana ah kuwa ugu faqrisan adduunka, tirada ugu badan ee dad ahaaneedna samaynaya, waxay fursad wayn u haystaan hirgelinta cahdi lagu cayminayo khayraadkooda, iyo inay dowladohoodu abuuraan tallaabooyin ficil ahaan u hirgala oo ay shacabkooda ku hanuuniyaan waddo lagu badbaadinayo khayraadkooda, iyadoo loo marayo dhawridda degaanka oo ay noloshu siyaabo toosan iyo dadban ugu xidhantahay, taasoo haddii ay hirgasho la fili karo inay barwaaqo ku sii naalloon karaan xilli dunnida horumartay ay ka basaastay in badan oo ka mid ah nimcooyinka Rabbaaniga ah.

Soomaalidu oo ah dad tiro ahaan sii kordhaya, balse weli haysta dhul aan cidhiidhi marar dhow ku noqon karin waxa horyaalla fursado u baahan in laga faa'idaysto, kuwaasoo ay rukumo u noqon karaan maamullo hagaagsan iyo dad u carbisan inay dhaxal wacan u dhigaan jiilalka iman doona iyo kuwa maanta u nool.


Haddaba dadka soo badanaya waxay sii dullaynayaan dunnidii ay ku noolaayeen, iyagoo ka daahan oddorosaadda timaaddada, kuna takri falaya tigaadda xilligan.

Adam Shardi Ahmed
Journalist
Facebook: ashardi1
Skype: adam.shardi 
Email: adshardi@gmail.com, adamshardi@yahoo.com

Soundcloud: https://soundcloud.com/adam-shardi

Friday, September 11, 2015

Dhibaatooyinka laga aamusay ee Afrika soo wajahaya.

                                                                                                                           

Qaaradda Afrika oo ay dadkeedu kor u sii dhaafeen 1.2 bilyan ama kun iyo laba boqol oo malyan oo qof ayaa haddana colaadaha ka jira qaaradda kasokow ay jiraan dhibaatooyin aanay badiyaa indhaha dunida iyo Afrikaankuba qaban oo wajahaya ugaadhii, iyo degaanka Afrika, taasoo xooggeedu uu bilowday sannadkii 1972-kii.

Dadka u qaxayay sababo degaankooda oo xumaaday, sida abaaro, fatahaado iwm,  ee dunida oo dhan waxa lagu qiyaasay sannadkii 1994-kii 25 milyan oo qof, in ka badan kala badh ayaa Afrikaan ahaa.

Qaaradda Afrika dhibaatooyinka ay wajahayso ee dhinacyada degaanka iyo ugaadha, kuwaasoo saamayn laxaad leh ku yeelanaya dhaqaalaha iyo nolosha qaaradda ayaa ay u dheertahay mid ka mid ah masaa'ibta aadane sameega ah ee sida guud dunida uga taagan, taasoo ah isbeddelka cimilada adduunka.
Barafkii ku dadnaa Kilimanjaro oo dhalaalay

Koox saynisyahanno ah baadhitaan ku sameeyey sida uu isbeddelka cimilladu u saameeyey qaaradda Afrika oo aan badiyaa loo tirin inay wax ku leedahay sababaha dhibaatadan keenaya, maaddaama aanay jirin dikhow badan oo ay dunida ku aafeeyeen warshadaha Afrika. Saynisyahannadani waxay daraasad ku soo bandhigeen, buurta Kilimanjaro ee Afrika ugu dheer in 85 boqolkiiba barafkii dabooli jiray sannadkii 1912-kii uu 26 boqolkiiba dhalaalay, qaybta sare ee buurtaas ee aan la arki jirinna ayaa dibadda timid sannadkii 2000.

Barafkii dul fadhiyay figaha sare ee Kilimanjaro ee dalka Tanzania ayaa u dhalaalay sidii ugu badnayd boqolkii sannadood ee ugu dambeeyey, waxana culimada sayniska ee u kuurgalay dhibaatadan cimillo xummada ah ee ku dhacday Kilimanjaro ay sheegeen in laga yaabo in guud ahaan barafka buurtaas ku sii dul hadhay la waayo muddo 20 sannadood gudahood ah. Isbeddelkan cimilada ee Kilimanjaro saamaynta ka dhalata, waxa ay ka soo ifbixi kartaa dadka, xayawaannada, iyo degaanka.

Buurtan ayaa ka mid ah buuro badan oo ku yaalla loolalka hoose ee dhulka oo waayay oogo-dadehoodii barafka ahaa, sida buurta Mount Kenya, iyo Rwenzori oo labaduba Afrika dhaca.
Ugaadhii Afrika ee dalal badan oo qaaradda ka mid ah u soo jiidi jirtay kumannaan dalxiiseyaal ah, isla markaana ay ka soo gali jireen boqollaalka malaayiin ee Doollar ayaa maanta xaalkoodu uu sidii hore ka duwanyahay.

Sida ay sheegeyso daraasad la sameeyey 59 boqolkiiba tiradii ugaadha Afrika hoos ayay u dhacday intii u dhaxaysay 1970-kii illaa 2005-tii.

Libaaxii raxan-raxanta ahaa ee Kenya, xilligan 2000 oo Libaax oo ayaa ka nool, dadka ugu badan ee Libaaxa Kenya ku laaya ayaa la sheegey inay yihiin, dadka Masaay oo u arka cadawga ugu wayn ee lo'dooda.

Libaaxii faraha badnaa ee ku dhex noolaa inta u dhaxaysa 1,500 oo Mile ee dalalka Sinigal, Nigeria, Niger iyo Burkinafaso ayaa ay imika ay ka noolyihiin 50 libaax oo kaliya, warbixin ay qortay National Geographic ayaa sidaa lagu sheegey, warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegey in laga cabsi qabo in guud ahaan galbeedka Afrika laga waayo Libaax.

Inkasta oo la sheego in Shabeelka Afrika uu asal ahaan ka soo jeedey dalalka Bangaladesh iyo China haddana tiradii Shabeelka Afrika ku noolaa aad ayay u yaraatay, gaar ahaanna kuwa duurjoogta ah oo cadaw ay u noqdeen dad si sharci darro ah uga ganacsada haraggiisa. Shabeelka ayaa dunida oo dhan ku sii yaraanaya, waxana imika la ogyahay inay jiraan in aan ka badnayn saddex kun oo shabeel ah oo duurjoog ah adduunka oo idil.

Wiyishii caddayd ee Afrika xilligan 4 kaliya ayaa ka nool, taasoo u muuqata mid sii dabar-go'aysa.

Maroodi loo laayay si Faanta loogala boxo
Maroodigii qaaradda Afrika oo ay tiradiisii hore ahayd malyan iyo saddex boqol oo kun ayaa ay maanta ka joogaan lix boqol oo kun oo kaliya, warbixinnada qaarkood waxay sheegayaan in maroodiga Afrika imika lagu qiyaasi karo in ka yar shan boqol oo kun.  Kooxo si sharci darro ah uga ganacsada faanta Maroodiga ayaa ah kuwa ugu daran ee sida ba'an u laaya maroodiga Afrika, waxana 18-kii daqiiqo ee kasta Afrika lagu dilaa hal Maroodi. Waxana iyana xasuuq lagu hayaa Wiyisha madow ee Afrika oo aan weli dabargo'in, balse tiradeedu ay ka yartahay in ku dhow kala badh tiradii hore.

Ugaadh kale sida Cawshii, Lo'-gisidii, iyo Bisad-sabaaddii ayaa iyana tiradoodu tii hore ay ka yartahay.

Dalalka Afrika qaarkood ugaadhii ku noolayd ayaa in badan oo kamid ah ayaa la waayay, sida Soomaaliya oo Maroodigii ku noolaa, Gerigii iyo ugaadh kale ay ka hayaameen colaadii ka dhacay.

Khayraadka badaha ee Afrika ayaa iyana qaarkood ay dhibaato wayn ku hayaan kalluumaysiga sharci darrada ah iyo ugaadhsiga Nibirga, sida waddanka Koonfurta Afrika oo si sharci darro ah imika Nibiriga looga ugaadho.

Dalka qaaradda Afrika ugu xeebta dheer ee Soomaaliya tan iyo horraantii
Nin ay ku neefsatay haan badda ka soo baxday
sagaasheemada waxa badihiisu ay bartilmaameed u noqdeen kalluumaysiga sharci darrada ah, iyo ku shubiyadda sunta kiimikaadka ah ee warshadaha, waxana badda Soomaaliya oo lagu qeexo bad dihin oo bacrinsan, oo khayraad badan uu dhex yaallo laga qaatay kalluun badan oo si sharci darro ah lagu ugaadhay, waxana kooxaha bililiqada ku wada badda Soomaaliya ay ku keceen tallaabooyin ka mamnuuc ah kalluumaysiga sida inay xaalufiyaan goobaha uu kalluunku ku dhalo, iyo in noolaha yaryar ee badda ee aan gaadhin ugaadhsiga si aan loo meel dayin loo dhibaateeyo iyaga iyo hoy-badeedkoodaba.

Kasokow kalluumaysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya lagula kacay, waxaa jira dhibaato wayn oo kale oo kalluunkii iyo khayraadkii kale ee badda Soomaaliya soo gaadhay, waxana xeebaha Soomaaliya sannado badan oo is xigxigay lagu arkay kalluun dhintay oo soo caariyay iyo haamo ay sun ku jiraan oo ka soo baxay badaha dalka Soomaaliya, kuwaasoo si caalami ah loo qiray inay yihiin sun halis ah oo kooxo maafiyo ah ku ay shubaan badaha Soomaaliya.
Ma jirto cilmi baadhid dhab ah oo laga sameeyey tirada kalluun ee sannad kasta sharci darrada lagaga ugaadho Soomaaliya, iyo inta tan ee sun ah ee badaha Soomaliya lagu aasay.

Hawdadka ayaa iyana dhibaato wayn Afrika laga soo gaadhsiiyay, sida dhirta looxyada laga sameeyo oo ay sharikado Yurub degani ku bixiyaan lacago si loogu dhoofiyo, waxana hawshan si sharci darro ah ku qabta dad Afrikaan ah oo nabaad-guur ku haya dhirtii hawdka Afrika.

Waxa kale oo jira dhir kale oo loo gooyo in laga shido Dhuxul, taasoo dhibaato
Dhuxul loo diyaariyay in Soomaaliya laga dhoofiyo
wayn ku haysa Soomaaliya, isla markaana la sheego in degaanno ka mid ah dhulalkii hawdka badnaa ee gobollada   Jubbooyinka, Shabeellooyinka, Baay iyo Bakool, Hiiraan, iyo Sanaag dhuxul badan oo laga gubay ay keentay natiijo ah in dhulkii hawdka badan lahaa ee Soomaaliya uu muuqaal arradan haatan leeyahay.

 Jaridda dhirtaas dhibaato kale oo ka dhalatay ayaa ah in jeex-jeexyo badan oo dhulka ka samaysmay markii dhirtii ay yaraatay ay keenaan nabaadguur ku dhaca nafaqadii ciidda.

Dhibaatooyinka aan inta badan laga hadlin ee qaaradda Afrika haysta ayaan ku soo koobayaa  toddobadan, kuwaasoo dhibaatooyinka gaadhay ay si dadban iyo toosan u taabanayaan nolosha dadka Afrikaanka ee qaaradda Afrika.

  • Hawada ku xeeran dhulka (Atmosphere)
  • Nolosha kala duwan ee degaanka ku tiirsan (Biodiversity)
  • Degaanka xeebaha iyo badda (Coastal and Marine Environments)
  • Hawdkii (Forests)
  • Biyaha nadiifta ah, ama biyihii macaanaa (Freshwater)
  • Dhulkii (Land)
  • Magaalooyinkii (Urban Areas)

Haddaba roob yarida, fatahaadaha, iyo abaaraha ka taagan qaaradda Afrika, ugaadha sii yaaranaysa, dadka qaxootiga sii noqonaya ee ka barakacaya degaannada xummaaday, ma yihiin kuwo ay madaxda Afrikaanka ah iyo dadka aqoonta leh ee Afrika ku baraarugsanyihiin? Haddayse ogyihiin ma ka hortagaan waxyeello kale, mana caymiyaan inta imika laga gaadhi karo ee badbaadada u baahan?

FG: Xogaha qoraalkan ku jira waxaan ka soo kala ururiyay National Geographic, Reuters, UN, The Independent, iyo warbixinno saynis.

Adam Shardi Ahmed
Journalist
Facebook: ashardi1
Skype: adam.shardi
Email: adshardi@gmail.com, adamshardi@yahoo.com
Soundcloud: https://soundcloud.com/adam-shardi




Friday, September 4, 2015

Afrikaanka oo Afrika baabuur ku dhex samaynaya


Qaaradda Afrika oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 1.2 bilyan oo qof, isla markaana ay ka dhex shaqeeyaan 21.6 milyan oo gaadiid ah, oo dibadda laga soo iibsaday, ayaa imika markii ugu horraysay sharikado gaadiidka sameeya oo qaaradda Afrika laga leeyahay ay bilaabeen naqshadaynta iyo samaynta gaadiid hor leh oo ay sharikadahani ku hanwayn yihiin inay sida kuwa kale ee dunida ay qaaradaha kale iyo Afrika gudaheedaba u iibgeeyaan, xilli lagu wado in dadka heerka nolosha dhexe ee qaaraddu ay gaadhaan illaa 300 oo malyan inta u dhaxaysa 2015 illaa 2017-ka.

Xeeldheerayaal oddorasay gaadiidkan Afrika lagu sameeyeyna waxay qabaan in sannadaha soo socda baabuurtani ay gaadhi doonaan badiyaa waddamada qaaradda Afrika, taasoo laga yaabo in ay yarayso tiradii baabuurta ahayd e
e ay qaaraddu dibadaha ka soo iibsan jirtay.

Sannadkii 2014 oo kaliya 2 milyan oo gaadhi ayay Afrika ka soo iibsatay sharikadaha Toyota, TATA, iyo GMC.

Shirkadda Gaadiidka KIIRA, ee Uganda.

Baabuurkan yar oo ay markii hore horumariyeen arday wax ka baranayay Jaamacadda Makerere ee Uganda, mashruucaas oo uu taageerayay Machadka Massachusetts ee Tikonolojiyadda, (MIT) ee Maraykanka laga leeyahay ayaa ay ardaydu ku soo saareen baabuur yar oo ay u bixiyeen Kiira EV SMACK, sannadkii 2011, waxana gaadhigii ugu horreeyey ee la soo saaray xawaarihiisu uu ahaa 100 km/h.

Gaadhigan yar oo loogu talo galay inuu qaado shan qof, (laba hore, iyo saddex dambe) ayaa ku shaqeeya awoodda korontada, waxana uu ku qalabaysan yahay matoor yar oo isaguba koronto ku shaqeeya, looguna talo galay inuu gaadhigan jaajgareeyo, ama kaarikeeyo. Kiira EV waxa uu suuqyada dunida toos u gali doonaa sannadka 2018.

Sharikadda samaynta baabuurta Innoson ee Nigeria.

Warshadda  Innoson ee dalka Nigeria waxaa saamile ka ah madaxweynihii hore ee dalkaas Goodluck Ebele Jonathan, waxana ay warshaddani qayb ka tahay sharikadaha lahaansho wadaagga ah ee Innoson taasoo uu aas'asay hantiilaha wayn ee Mr. Innocent Chukwuma.

Shirkaddan ayaa samaysa baabuur ka hawlgala Nigeria iyo qaar ka mid ah dalalka la jaarka ah, waxana baabuurta shirkaddani samayso ay iskugu jiraan kuwa raaxada, basas, iyo baabuurta xamuulka ah ee waawayn, oo ay ka mid yihiin noocyada kala duwan ee la yidhaahdo IVM 1021A, iyo IVM 6490A, sidoo kale shirkaddani waxay samaysaa baabuurta nooca isboortiga loogu talo galay.


 Qorshihii shirkaddan ee ahaa inay gawaadhideedu suuq ganacsi ka helaan oo loo iibgeeyo dalal badan iyo qaaradda Afrika ka mid ah iyo kuwa kale ee dunida ayaa dib u dhacay, sababo musuqmaasuqa iyo qulqulatooyinka dalkaas ka jira ay ka mid yihiin, waxase illaa imika ay shirkaddani ku guulaysatay in gawaadhideeda lagu adeegsado dalal dhowr ah oo ku yaalla galbeedka Afrika.

Sharikadda Innoson ayaa baabuurkii ugu horreeyey soo saartay sannadkii 2007-da, waxana baabuurta shirkaddani ay ku shaqeeyaan shidaalka caadiga ah.

Shirkadda Kantanka ee dalka Gaana (Ghana)

Shirkadda Kantanka inkasta oo ay wadday isku day ah inay baabuur samayso  sannado hore, haddana markii ugu horeeysay waxay gaadhi koronto ku shaqeeya oo afarta lugoodba ka dhaqaaqa (Four wheel drive) ay samaysay sannadkii 2014.

Shirkaddan ayaa soo bandhigtay gawaadhi yaryar oo kala duwan, balse intooduna ku shaqeeya awoodda korontada.

Kantanka waxay qorshaynayaa in ay dhawaan bilowdo samaynta gawaadhi shidaalka ku shaqeeya, oo baabuur waawayn iyo kuwo yaryarba iskugu jira, sidoo kalena loo iibgeeyo, dalalka Afrika iyo kuwa kale ee dunida.

Koonfur Afrika 

Waddanka Koonfur Afrika oo ay ku yaallaan warshado gaadiidka sameeya ay leeyihiin sharikadaha Toyota, Suzuki, BMW, iyo kuwo kale ayaanay weli jirin shirkad asal ahaanteeda laga leeyahay dalkaas oo baabuur samaysa. Waxaa jira rag u dhashay dalkaasi oo ku guulaystay in gawaadhi caalami ah ay naqshadeeyaan, sida Keith Helfet oo iska leh naqshadaynta baabuurka Jaquar XJ-220, XK-10 iyo F-Type.

Dadka ku guulaysta naqshadaynta baabuurta ee ka soo jeeda Koonfur-Afrika ayaa badiyaa aqoontooda u iibgeeya sharikado kale, waxana ay qaataan dhalashooyin kale. Illaa imika dalkaasi kuma guulaysan uu wax gaadiid ah soo saaro.

Afrika waxay markii ugu horraysay isku dayaysa in gaadiid lagu sameeyey, oo ay Afrikaan sameeyeen ay qaaradda ku dhexsocdaan, dunida kalena laga helo.

FG: Xogaha qoraalkan waxaan ka soo kala xigtay:
Kiira Motors Corporation, Innoson Vehicle Manufacturing Company, Kantanka Company, Baanka adduunka, iyo wakaalado warar.


Wednesday, August 26, 2015

NIMCOOYINKA DALKEENNA IYO KA DAAHNAANTA DADKEENNA!

Waa xeeb quruxda Rabbi ku mannaystay ee istaahisha dalxiiska caalamiga ah, horena ay waayuhu uga soo marag-keceen, kasow khayraadka dihan ee Alle uu dhigay aanuu ahayn mid u baahan in gudaha loogu sii safro baddan, sida anigu aan markhaati ka noqday!

Waa xeebta Bilan ee bariga magaalada Muqdisho oo marka laga reebo maalmaha dabaayaqada toddobaadka aan buuq badnayn, sawaxan badanna lahayn.

Anigoo jooga gurigayga ayay naftaydu muhatay inaan tago xeebtaas, oo aan daawado muuqaallada quruxda badan ee mawjadaha ka kacaya badweynta Inida, xilli lagu jiro xagaa, oo roobka shuuxa ah aanuu ka qaadin ama ka joogsan Muqdisho.

Intii aan joogay xeebta ee aan hadba dhinac u qooraansanayay, ayaa ay yimaaddeen meel aan iga fogayn saddex nin oo wata shabaagta badda lagaga kalluumaysto, taasoo aan ka aaminsanaa oo kaliya in doonni lagu qaado oo lagaga soo dhex tago badda, oo saacado kaddib lagu noqdo oo dabin badeedkaas loogu tago kalluun ku dhacay.

Imika arrintu sidaas aad ayay uga duwantahay!

Laba ka mid ah raggii agtayda yimid ayaa badda galay, halka ninkii saddexaadna uu dibadda ugu sii hayay dharkii ay beddesheen ee ay markii hore xidhnaayeen.

Labada nin ee badda galay waxay kala istaageen laba dhinac iyagoo gacanta ku hayay shabaggii ay siteen, biyahana hore uma aanay gelin ka badan toban mitir qiyaastii, haddii aan si kale u dhigana halka ay carruurtu ku dabbaashaan, waxana aan xiisaynayay bal waxa ay samaynayaan inaan si deggen u daawado!

Muddo toban daqiiqo ah ayay labadii nin dib ula soo noqdeen shabaggii, kaasoo markii bannaanka la keeneyna laga soo saaray kalluun farabadan, oo muggiisu aan ku qiyaasay in ka badan soddon kiiloo garaam.

Mid ka mid ah kalluunkaas oo qiyaastii saddex kiiloo ahaa ayaa la iga siiyay laba doollar ($2).

Way yartahay, dunidana naadir ayay ku tahay in laba nin ay muddo 15 daqiiqo ka yar iyaga oo aan badda gudaha u gelin ay helaan qiyaasta soddon kiiloo oo kalluun ah.

Khayraadka yaalla badda dalkeennu waa mid runtii inta badan dadkiisu ay ka qatanyihiin, waxase xusid mudan in dadka Soomaalida in badan oo ka mid ah ay ka shaqeeyaan baabi'inta khayraadkaas, halka ay ka indhosaabanyihiin ka faa'idaysigiisa.

Sawirro dheeraad ah ka daawo xagga hoose. 









Adam Shardi Ahmed
www.adamshardi.blogspot.com
Skype ID: adam.shardi
Soundcloud: https://soundcloud.com/adam-shardi
Facebook: ashardi1

Saturday, January 18, 2014

KOBOCA ISLAAMKA IYO MUSTAQBALKA YURUB

Islaamka ayaa si mug leh ugu faafaya dalalka reer galbeedka gaar ahaanna waddama Yurub, halka dowladda Ingiriiskuna ay si gaar ah uga dhex muuqato dalalkan ay dadkeedu muslimanayaan.

Dad lagu qiyaasay 100,000 oo qof ayaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey soo galay diinta Islaamka qaaradda Yurub guud ahaan. Dalka Ingiriiska oo dadkiisa lagu qiyaaso 61 Milyan ayaa sannadkii 2012 ay ka Islaameen 52,000 oo qof, kuwaas oo 62% ay dumar yihiin, haddii si kale loo dhigo in ka badan ka badh ayaa haween ah, waxana da'dooda lagu jaangooyay 27 jirro. Haweenkan ayaa la soo ifbaxay Islaannimadooda markay muuqaalka noloshooda ku beddeleen  Xijaabbo, Indhashareerro, iyo Khamaarro ay xidhaan, tiiyoo dalal badan oo Yurub ah looga ololaynayo in la mamnuuco qaadashada khamaarka iwm.

Sababaha dad badan oo u dhashay dalalka reer galbeedka, gaar ahaanna Yurub ay diinta Islaamka u qaadanayaan ayaa lagu macnayn karaa dhawr arrimood oo is-dugsanaya.

1. In dad badan oo ka tagaya dunida Islaamku ay ku badanayaan dalalka Yurub, taasina ay door mug leh ka qaadanayso in dad badan oo Masiixiyiin ahaa ay u digarogtaan Islaannimada.
2. Horumarka casriyaysan ee Tiknolojiyadda (latest technology) ay qayb ka qaadanso in ay dad badan oo masiixiyiin ah diinta Islaamka ka helaan su'aalo ay jawaabo u la'aayeen, kuwaasoo aan raadinta warcelintoodu aanay wakhti badan ama socdaal badan ka qaadan.
3. Diiqadda nolosha la xidhiidha (Stress) oo dad badan oo aan Muslimiin ahayn in ay waddo ay kaga baxaan la'yihiin, laabtuna u degi la'dahay. Tani waxay dad badan ku hoggaamisay in ay baadigoobka daggannaantu uu u hoggaamiyo Islaamnida, marka ay diintan ku ladaanna ay ay u falceliyaan saaxiibbadoodii Masiixinnimada ku hadhay, taasoo sabab u noqota in la helo mujtamac hor leh oo diinta Islaamka ku soo qul-qulaya.

Dalal badan oo isla qaaradda Yurub ah ayaa uu Islaamku si wayn u saamaynayaa imika iyo mustaqbalka dhowba, waxana isbarbar socda hoos dhaca xaddiga bulsho ee qaaraddaasi, iyo sare u kaca dadka qaadanaya diinta Islaamka.

Warbixinno la sameeyey waxa ay isku raaceen in heerka dhalmada ee Yurub uu guud ahaan hoos u dhac wayn saamayn ku leeyahay, taasoo haddii la isku dayo in dib heerkaasi kor loogu soo qaado si dhaqankii iyo diintii Masiixiyadda ee dalalkaasi loo sii ilaaliyo ay ku qaadan doonto ugu yaraan 80 sannadoo, iyadoo ay suurto gal tahay in ay muddada intaas le'eg kala sii dheeraato, hoos dhaca dhaqaale ee ka aloosan dalalkooda dartii.

Tusaale waxa aynu u soo qaadan karnaa hoos dhaca bulsho ee qaaradda Yurub saamaynaya in afar kasta oo lamaane ay dhalayaan laba ubad ah, labadaasina waxa ay sii dhalayaan qof kaliya, taasoo keeni karta in muddo qiyaas 60 sannadood ah ay tirada 4ta qof ah ay isku beddeli karto qof kaliya ama in ka yar. Si kale haddii aan u dhigo Malyanka carruurta ah ee Yurub u dhashay 2006, waxaa lagu wadaa in 2026 ay intaas ka yaraadaan amaba ay tiradaasi inyar ka bataan, halka dunida Muslimka ah Malyanka carruurta ah ee dhashay 20 sannadood kaddib laba jibbaar ay ku dhawaan karaan ama ka sii badan karaan.

Hoos u dhacaas bulsho ee ka jira Yurub ayaa haddaba diinta Islaamku ay saamayntan ku leedahay dadka dhalanaya qaaraddaasi.

Dalalka Yurub ayaa heerkooda dhalmadu ay maraysaa sidan:-

Faransiiska 1.8/qoyskiiba
Ingiriiska 1.6/qoyskiiba
Giriig 1.3/qoyskiiba
Jarmalka 1.3/qoyskiiba
Talyaaniga 1.2/qoyskiiba
Isbayn 1.1/qoyskiiba

Dalalka midowga reer Yurub ee ka kooban 31-ka dal ayaa heerka dhalmadooda lagu jaangooyaa 1.38, warbixin la sameeyeyna waxa ay farmuuqaysaa in aanay suurtogal ahayn in halka dalalkani ay maanta joogaan ay dib uga noqdaan, oo ay higsadaan tirooyinkii hore ee dadkooda ee hoos dhaca wayn uu ku haleeley. Waxana si caalamiyan ah loo aaminsanyahay marka ummad  meel ku dhaqnayd ay nabaad guurayaan in dhaqankoodii iyo diintoodiina ay suulayaan.

Faransiiska 30% dhalinyarada u dhexeeya 15 illaa 20-jirradu waa Muslimiin, saddexda magaalo ee waawayn ee dalkaas ee Baariis, Marseel, iyo Niis, tiradani waxa ay gaadhay 45%, taasoo ka dhigan in ku dhawaad kala badh dhalinta u dhexeeya 15-20 ee magaalooyinkaas ay Muslimiin yihiin. Sannadka 2027 waxaa la saadaalinayaa in mid ka mid ah 5 qof oo kasta oo Faransiis ah uu Muslim ahaan doono, marka la eego heerka koboca Islaamka ee dalkaasi, waxana 40 sano gudahoodna dalkaasi  uu noqon karaa dowlad Islaam ah, ama dal dadka masiixiyiinta ah lagaga tiro badan yahay.

Dalka Ingiriiska 30-ka sannadood ee soo aaddan Islaannimada ayaa 30 jibbaar ku kor u kici doonta, waxana lagu wadaa in ay gaadho illaa 2.5 Milyan, inta badanna dadkaasi waxaa lagu wadaa in ay ahaan doonaan dad ka baxay Masiixiyadda oo ku biiray Islaamka.

Dalka Holland 15 sano gudahood waxaa suurtogal ah in kala badh dadka dalkaasi ay noqdaan Muslimiin, xilligan carruurta waddankaas lagu dhalo kala badh waxaa dhala waalidiin Muslimiin ah.

Ruushka 23 Milyan oo qof ayaa Muslimiin ah, waxana ay ka dhigantahay in mid ka mid ah 5 qof kasta oo dadka waddankaas ah uu Muslim yahay, waxaa la saadaalinayaa in mustaqbalka ciidamada waddankaas saddex meelood meel ay ahaan doonaan dad muslimiin ah.

Biljamka 25% dadka ku dhaqan waa Muslimiin, kala badh carruurta dalkaas lagu dhalana waxaa dhala waalidiin Muslimiin ah. Dowladda Biljam ayaa sheegtay in sannadka 2015 saddex kasta oo carruur ah oo qaaradda Yurub ku dhasha mid ka mid ah ay waalidiin Muslimiin ah dhali doonaan.

Dowladda Jarmalka ayaa si cad u sheegtay inay ka walaacsantahay in sannadka 2050-ka dalkeedu uu waddanka Islaam ah noqdo, marka la eego xawaaraha dadka Muslimiinta ah ee dalkaasi ku badanaya.

Markii ugu horraysay ayay Kiniisadda Kathooligga ee Masiixiyaddu sheegtay walaaca ay ka qabaan in Muslimkii uu ka saramarayo dhinaca tirada dadka, gaar ahaanna dalalka reer Yurub. Baadari la yidhaahdo Mansinio Vemanti waraysi uu wargays Talyaaniga ka soo baxa siiyay sannado yar kahor waxa uu ku sheegey in xawaare lagu dhaafayay tirada dadka Kirishtanka ah, kuwaasoo uu ku sheegey 17.4%, halka uu Muslimiintana ku tilmaamay 19.2%.

Walaaca dalalka Yurub ka haya tirada bulshadooda oo yaraanaysa, iyo Muslimiinta dalalkaas oo badanaya ayaa ay barbar socotaa dhaqaale burburka dunida Masiixiga hadheeyey.

Saxaafad badan oo u adeegta Masiixiyiinta iyo dad badan oo diintaas haysta ayaa xilligan door bidaya in dadka faraha badan ee galaya diinta Islaamka ay ku hor istaagaan dacaayado, sida in muslimiinta iyo diintoodaba lagu tilmaamo argagixisonimo.

FG: 
Xogaha qoraalladan ku jira waxaan ka soo kala xigtay L'OSSARVATORE ROMANO, RUSSIA TODAY, NBC, iyo meelo kale.


Adam Shardi Ahmed
Journalist
Facebook: ashardi1
Skype: adam.shardi
Email: adamshardi@yahoo.com

Monday, December 2, 2013

MACNAHA DIHIN EE LOOXAYGA DANABAYSA.


 


Ku bilaabid magaca Alle ee naxariista guud iyo midda gaar ahaaneed naxariista.

Arar:

Looxan danabaysan waxaan u yagleeley si aan ugu soo badhigo afkaaro aan isleeyahay waxay ku salaysanyihiin waxyaabaha taagan, ugana gol leeyahay xaqiiqo tilmaamid iyo hoga-tusaalayn.

Akhristayaashayda sharafta leh, waxa aan ku soo dhawayn doonaa in ay aragtidayda looxan ku daabacan ay ka falcelin karaan dhaliil, iyo ammaanba.

Waxa aad talooyinkiinna iyo tusaaleyaashiinna iigu soo hagaajin kartaan, emailkayga:- adamshardi@yahoo.com.

Mahadsanidiin.
Adam Shardi.