Friday, September 11, 2015

Dhibaatooyinka laga aamusay ee Afrika soo wajahaya.

                                                                                                                           

Qaaradda Afrika oo ay dadkeedu kor u sii dhaafeen 1.2 bilyan ama kun iyo laba boqol oo malyan oo qof ayaa haddana colaadaha ka jira qaaradda kasokow ay jiraan dhibaatooyin aanay badiyaa indhaha dunida iyo Afrikaankuba qaban oo wajahaya ugaadhii, iyo degaanka Afrika, taasoo xooggeedu uu bilowday sannadkii 1972-kii.

Dadka u qaxayay sababo degaankooda oo xumaaday, sida abaaro, fatahaado iwm,  ee dunida oo dhan waxa lagu qiyaasay sannadkii 1994-kii 25 milyan oo qof, in ka badan kala badh ayaa Afrikaan ahaa.

Qaaradda Afrika dhibaatooyinka ay wajahayso ee dhinacyada degaanka iyo ugaadha, kuwaasoo saamayn laxaad leh ku yeelanaya dhaqaalaha iyo nolosha qaaradda ayaa ay u dheertahay mid ka mid ah masaa'ibta aadane sameega ah ee sida guud dunida uga taagan, taasoo ah isbeddelka cimilada adduunka.
Barafkii ku dadnaa Kilimanjaro oo dhalaalay

Koox saynisyahanno ah baadhitaan ku sameeyey sida uu isbeddelka cimilladu u saameeyey qaaradda Afrika oo aan badiyaa loo tirin inay wax ku leedahay sababaha dhibaatadan keenaya, maaddaama aanay jirin dikhow badan oo ay dunida ku aafeeyeen warshadaha Afrika. Saynisyahannadani waxay daraasad ku soo bandhigeen, buurta Kilimanjaro ee Afrika ugu dheer in 85 boqolkiiba barafkii dabooli jiray sannadkii 1912-kii uu 26 boqolkiiba dhalaalay, qaybta sare ee buurtaas ee aan la arki jirinna ayaa dibadda timid sannadkii 2000.

Barafkii dul fadhiyay figaha sare ee Kilimanjaro ee dalka Tanzania ayaa u dhalaalay sidii ugu badnayd boqolkii sannadood ee ugu dambeeyey, waxana culimada sayniska ee u kuurgalay dhibaatadan cimillo xummada ah ee ku dhacday Kilimanjaro ay sheegeen in laga yaabo in guud ahaan barafka buurtaas ku sii dul hadhay la waayo muddo 20 sannadood gudahood ah. Isbeddelkan cimilada ee Kilimanjaro saamaynta ka dhalata, waxa ay ka soo ifbixi kartaa dadka, xayawaannada, iyo degaanka.

Buurtan ayaa ka mid ah buuro badan oo ku yaalla loolalka hoose ee dhulka oo waayay oogo-dadehoodii barafka ahaa, sida buurta Mount Kenya, iyo Rwenzori oo labaduba Afrika dhaca.
Ugaadhii Afrika ee dalal badan oo qaaradda ka mid ah u soo jiidi jirtay kumannaan dalxiiseyaal ah, isla markaana ay ka soo gali jireen boqollaalka malaayiin ee Doollar ayaa maanta xaalkoodu uu sidii hore ka duwanyahay.

Sida ay sheegeyso daraasad la sameeyey 59 boqolkiiba tiradii ugaadha Afrika hoos ayay u dhacday intii u dhaxaysay 1970-kii illaa 2005-tii.

Libaaxii raxan-raxanta ahaa ee Kenya, xilligan 2000 oo Libaax oo ayaa ka nool, dadka ugu badan ee Libaaxa Kenya ku laaya ayaa la sheegey inay yihiin, dadka Masaay oo u arka cadawga ugu wayn ee lo'dooda.

Libaaxii faraha badnaa ee ku dhex noolaa inta u dhaxaysa 1,500 oo Mile ee dalalka Sinigal, Nigeria, Niger iyo Burkinafaso ayaa ay imika ay ka noolyihiin 50 libaax oo kaliya, warbixin ay qortay National Geographic ayaa sidaa lagu sheegey, warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegey in laga cabsi qabo in guud ahaan galbeedka Afrika laga waayo Libaax.

Inkasta oo la sheego in Shabeelka Afrika uu asal ahaan ka soo jeedey dalalka Bangaladesh iyo China haddana tiradii Shabeelka Afrika ku noolaa aad ayay u yaraatay, gaar ahaanna kuwa duurjoogta ah oo cadaw ay u noqdeen dad si sharci darro ah uga ganacsada haraggiisa. Shabeelka ayaa dunida oo dhan ku sii yaraanaya, waxana imika la ogyahay inay jiraan in aan ka badnayn saddex kun oo shabeel ah oo duurjoog ah adduunka oo idil.

Wiyishii caddayd ee Afrika xilligan 4 kaliya ayaa ka nool, taasoo u muuqata mid sii dabar-go'aysa.

Maroodi loo laayay si Faanta loogala boxo
Maroodigii qaaradda Afrika oo ay tiradiisii hore ahayd malyan iyo saddex boqol oo kun ayaa ay maanta ka joogaan lix boqol oo kun oo kaliya, warbixinnada qaarkood waxay sheegayaan in maroodiga Afrika imika lagu qiyaasi karo in ka yar shan boqol oo kun.  Kooxo si sharci darro ah uga ganacsada faanta Maroodiga ayaa ah kuwa ugu daran ee sida ba'an u laaya maroodiga Afrika, waxana 18-kii daqiiqo ee kasta Afrika lagu dilaa hal Maroodi. Waxana iyana xasuuq lagu hayaa Wiyisha madow ee Afrika oo aan weli dabargo'in, balse tiradeedu ay ka yartahay in ku dhow kala badh tiradii hore.

Ugaadh kale sida Cawshii, Lo'-gisidii, iyo Bisad-sabaaddii ayaa iyana tiradoodu tii hore ay ka yartahay.

Dalalka Afrika qaarkood ugaadhii ku noolayd ayaa in badan oo kamid ah ayaa la waayay, sida Soomaaliya oo Maroodigii ku noolaa, Gerigii iyo ugaadh kale ay ka hayaameen colaadii ka dhacay.

Khayraadka badaha ee Afrika ayaa iyana qaarkood ay dhibaato wayn ku hayaan kalluumaysiga sharci darrada ah iyo ugaadhsiga Nibirga, sida waddanka Koonfurta Afrika oo si sharci darro ah imika Nibiriga looga ugaadho.

Dalka qaaradda Afrika ugu xeebta dheer ee Soomaaliya tan iyo horraantii
Nin ay ku neefsatay haan badda ka soo baxday
sagaasheemada waxa badihiisu ay bartilmaameed u noqdeen kalluumaysiga sharci darrada ah, iyo ku shubiyadda sunta kiimikaadka ah ee warshadaha, waxana badda Soomaaliya oo lagu qeexo bad dihin oo bacrinsan, oo khayraad badan uu dhex yaallo laga qaatay kalluun badan oo si sharci darro ah lagu ugaadhay, waxana kooxaha bililiqada ku wada badda Soomaaliya ay ku keceen tallaabooyin ka mamnuuc ah kalluumaysiga sida inay xaalufiyaan goobaha uu kalluunku ku dhalo, iyo in noolaha yaryar ee badda ee aan gaadhin ugaadhsiga si aan loo meel dayin loo dhibaateeyo iyaga iyo hoy-badeedkoodaba.

Kasokow kalluumaysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya lagula kacay, waxaa jira dhibaato wayn oo kale oo kalluunkii iyo khayraadkii kale ee badda Soomaaliya soo gaadhay, waxana xeebaha Soomaaliya sannado badan oo is xigxigay lagu arkay kalluun dhintay oo soo caariyay iyo haamo ay sun ku jiraan oo ka soo baxay badaha dalka Soomaaliya, kuwaasoo si caalami ah loo qiray inay yihiin sun halis ah oo kooxo maafiyo ah ku ay shubaan badaha Soomaaliya.
Ma jirto cilmi baadhid dhab ah oo laga sameeyey tirada kalluun ee sannad kasta sharci darrada lagaga ugaadho Soomaaliya, iyo inta tan ee sun ah ee badaha Soomaliya lagu aasay.

Hawdadka ayaa iyana dhibaato wayn Afrika laga soo gaadhsiiyay, sida dhirta looxyada laga sameeyo oo ay sharikado Yurub degani ku bixiyaan lacago si loogu dhoofiyo, waxana hawshan si sharci darro ah ku qabta dad Afrikaan ah oo nabaad-guur ku haya dhirtii hawdka Afrika.

Waxa kale oo jira dhir kale oo loo gooyo in laga shido Dhuxul, taasoo dhibaato
Dhuxul loo diyaariyay in Soomaaliya laga dhoofiyo
wayn ku haysa Soomaaliya, isla markaana la sheego in degaanno ka mid ah dhulalkii hawdka badnaa ee gobollada   Jubbooyinka, Shabeellooyinka, Baay iyo Bakool, Hiiraan, iyo Sanaag dhuxul badan oo laga gubay ay keentay natiijo ah in dhulkii hawdka badan lahaa ee Soomaaliya uu muuqaal arradan haatan leeyahay.

 Jaridda dhirtaas dhibaato kale oo ka dhalatay ayaa ah in jeex-jeexyo badan oo dhulka ka samaysmay markii dhirtii ay yaraatay ay keenaan nabaadguur ku dhaca nafaqadii ciidda.

Dhibaatooyinka aan inta badan laga hadlin ee qaaradda Afrika haysta ayaan ku soo koobayaa  toddobadan, kuwaasoo dhibaatooyinka gaadhay ay si dadban iyo toosan u taabanayaan nolosha dadka Afrikaanka ee qaaradda Afrika.

  • Hawada ku xeeran dhulka (Atmosphere)
  • Nolosha kala duwan ee degaanka ku tiirsan (Biodiversity)
  • Degaanka xeebaha iyo badda (Coastal and Marine Environments)
  • Hawdkii (Forests)
  • Biyaha nadiifta ah, ama biyihii macaanaa (Freshwater)
  • Dhulkii (Land)
  • Magaalooyinkii (Urban Areas)

Haddaba roob yarida, fatahaadaha, iyo abaaraha ka taagan qaaradda Afrika, ugaadha sii yaaranaysa, dadka qaxootiga sii noqonaya ee ka barakacaya degaannada xummaaday, ma yihiin kuwo ay madaxda Afrikaanka ah iyo dadka aqoonta leh ee Afrika ku baraarugsanyihiin? Haddayse ogyihiin ma ka hortagaan waxyeello kale, mana caymiyaan inta imika laga gaadhi karo ee badbaadada u baahan?

FG: Xogaha qoraalkan ku jira waxaan ka soo kala ururiyay National Geographic, Reuters, UN, The Independent, iyo warbixinno saynis.

Adam Shardi Ahmed
Journalist
Facebook: ashardi1
Skype: adam.shardi
Email: adshardi@gmail.com, adamshardi@yahoo.com
Soundcloud: https://soundcloud.com/adam-shardi




Friday, September 4, 2015

Afrikaanka oo Afrika baabuur ku dhex samaynaya


Qaaradda Afrika oo ay ku noolyihiin ku dhawaad 1.2 bilyan oo qof, isla markaana ay ka dhex shaqeeyaan 21.6 milyan oo gaadiid ah, oo dibadda laga soo iibsaday, ayaa imika markii ugu horraysay sharikado gaadiidka sameeya oo qaaradda Afrika laga leeyahay ay bilaabeen naqshadaynta iyo samaynta gaadiid hor leh oo ay sharikadahani ku hanwayn yihiin inay sida kuwa kale ee dunida ay qaaradaha kale iyo Afrika gudaheedaba u iibgeeyaan, xilli lagu wado in dadka heerka nolosha dhexe ee qaaraddu ay gaadhaan illaa 300 oo malyan inta u dhaxaysa 2015 illaa 2017-ka.

Xeeldheerayaal oddorasay gaadiidkan Afrika lagu sameeyeyna waxay qabaan in sannadaha soo socda baabuurtani ay gaadhi doonaan badiyaa waddamada qaaradda Afrika, taasoo laga yaabo in ay yarayso tiradii baabuurta ahayd e
e ay qaaraddu dibadaha ka soo iibsan jirtay.

Sannadkii 2014 oo kaliya 2 milyan oo gaadhi ayay Afrika ka soo iibsatay sharikadaha Toyota, TATA, iyo GMC.

Shirkadda Gaadiidka KIIRA, ee Uganda.

Baabuurkan yar oo ay markii hore horumariyeen arday wax ka baranayay Jaamacadda Makerere ee Uganda, mashruucaas oo uu taageerayay Machadka Massachusetts ee Tikonolojiyadda, (MIT) ee Maraykanka laga leeyahay ayaa ay ardaydu ku soo saareen baabuur yar oo ay u bixiyeen Kiira EV SMACK, sannadkii 2011, waxana gaadhigii ugu horreeyey ee la soo saaray xawaarihiisu uu ahaa 100 km/h.

Gaadhigan yar oo loogu talo galay inuu qaado shan qof, (laba hore, iyo saddex dambe) ayaa ku shaqeeya awoodda korontada, waxana uu ku qalabaysan yahay matoor yar oo isaguba koronto ku shaqeeya, looguna talo galay inuu gaadhigan jaajgareeyo, ama kaarikeeyo. Kiira EV waxa uu suuqyada dunida toos u gali doonaa sannadka 2018.

Sharikadda samaynta baabuurta Innoson ee Nigeria.

Warshadda  Innoson ee dalka Nigeria waxaa saamile ka ah madaxweynihii hore ee dalkaas Goodluck Ebele Jonathan, waxana ay warshaddani qayb ka tahay sharikadaha lahaansho wadaagga ah ee Innoson taasoo uu aas'asay hantiilaha wayn ee Mr. Innocent Chukwuma.

Shirkaddan ayaa samaysa baabuur ka hawlgala Nigeria iyo qaar ka mid ah dalalka la jaarka ah, waxana baabuurta shirkaddani samayso ay iskugu jiraan kuwa raaxada, basas, iyo baabuurta xamuulka ah ee waawayn, oo ay ka mid yihiin noocyada kala duwan ee la yidhaahdo IVM 1021A, iyo IVM 6490A, sidoo kale shirkaddani waxay samaysaa baabuurta nooca isboortiga loogu talo galay.


 Qorshihii shirkaddan ee ahaa inay gawaadhideedu suuq ganacsi ka helaan oo loo iibgeeyo dalal badan iyo qaaradda Afrika ka mid ah iyo kuwa kale ee dunida ayaa dib u dhacay, sababo musuqmaasuqa iyo qulqulatooyinka dalkaas ka jira ay ka mid yihiin, waxase illaa imika ay shirkaddani ku guulaysatay in gawaadhideeda lagu adeegsado dalal dhowr ah oo ku yaalla galbeedka Afrika.

Sharikadda Innoson ayaa baabuurkii ugu horreeyey soo saartay sannadkii 2007-da, waxana baabuurta shirkaddani ay ku shaqeeyaan shidaalka caadiga ah.

Shirkadda Kantanka ee dalka Gaana (Ghana)

Shirkadda Kantanka inkasta oo ay wadday isku day ah inay baabuur samayso  sannado hore, haddana markii ugu horeeysay waxay gaadhi koronto ku shaqeeya oo afarta lugoodba ka dhaqaaqa (Four wheel drive) ay samaysay sannadkii 2014.

Shirkaddan ayaa soo bandhigtay gawaadhi yaryar oo kala duwan, balse intooduna ku shaqeeya awoodda korontada.

Kantanka waxay qorshaynayaa in ay dhawaan bilowdo samaynta gawaadhi shidaalka ku shaqeeya, oo baabuur waawayn iyo kuwo yaryarba iskugu jira, sidoo kalena loo iibgeeyo, dalalka Afrika iyo kuwa kale ee dunida.

Koonfur Afrika 

Waddanka Koonfur Afrika oo ay ku yaallaan warshado gaadiidka sameeya ay leeyihiin sharikadaha Toyota, Suzuki, BMW, iyo kuwo kale ayaanay weli jirin shirkad asal ahaanteeda laga leeyahay dalkaas oo baabuur samaysa. Waxaa jira rag u dhashay dalkaasi oo ku guulaystay in gawaadhi caalami ah ay naqshadeeyaan, sida Keith Helfet oo iska leh naqshadaynta baabuurka Jaquar XJ-220, XK-10 iyo F-Type.

Dadka ku guulaysta naqshadaynta baabuurta ee ka soo jeeda Koonfur-Afrika ayaa badiyaa aqoontooda u iibgeeya sharikado kale, waxana ay qaataan dhalashooyin kale. Illaa imika dalkaasi kuma guulaysan uu wax gaadiid ah soo saaro.

Afrika waxay markii ugu horraysay isku dayaysa in gaadiid lagu sameeyey, oo ay Afrikaan sameeyeen ay qaaradda ku dhexsocdaan, dunida kalena laga helo.

FG: Xogaha qoraalkan waxaan ka soo kala xigtay:
Kiira Motors Corporation, Innoson Vehicle Manufacturing Company, Kantanka Company, Baanka adduunka, iyo wakaalado warar.


Wednesday, August 26, 2015

NIMCOOYINKA DALKEENNA IYO KA DAAHNAANTA DADKEENNA!

Waa xeeb quruxda Rabbi ku mannaystay ee istaahisha dalxiiska caalamiga ah, horena ay waayuhu uga soo marag-keceen, kasow khayraadka dihan ee Alle uu dhigay aanuu ahayn mid u baahan in gudaha loogu sii safro baddan, sida anigu aan markhaati ka noqday!

Waa xeebta Bilan ee bariga magaalada Muqdisho oo marka laga reebo maalmaha dabaayaqada toddobaadka aan buuq badnayn, sawaxan badanna lahayn.

Anigoo jooga gurigayga ayay naftaydu muhatay inaan tago xeebtaas, oo aan daawado muuqaallada quruxda badan ee mawjadaha ka kacaya badweynta Inida, xilli lagu jiro xagaa, oo roobka shuuxa ah aanuu ka qaadin ama ka joogsan Muqdisho.

Intii aan joogay xeebta ee aan hadba dhinac u qooraansanayay, ayaa ay yimaaddeen meel aan iga fogayn saddex nin oo wata shabaagta badda lagaga kalluumaysto, taasoo aan ka aaminsanaa oo kaliya in doonni lagu qaado oo lagaga soo dhex tago badda, oo saacado kaddib lagu noqdo oo dabin badeedkaas loogu tago kalluun ku dhacay.

Imika arrintu sidaas aad ayay uga duwantahay!

Laba ka mid ah raggii agtayda yimid ayaa badda galay, halka ninkii saddexaadna uu dibadda ugu sii hayay dharkii ay beddesheen ee ay markii hore xidhnaayeen.

Labada nin ee badda galay waxay kala istaageen laba dhinac iyagoo gacanta ku hayay shabaggii ay siteen, biyahana hore uma aanay gelin ka badan toban mitir qiyaastii, haddii aan si kale u dhigana halka ay carruurtu ku dabbaashaan, waxana aan xiisaynayay bal waxa ay samaynayaan inaan si deggen u daawado!

Muddo toban daqiiqo ah ayay labadii nin dib ula soo noqdeen shabaggii, kaasoo markii bannaanka la keeneyna laga soo saaray kalluun farabadan, oo muggiisu aan ku qiyaasay in ka badan soddon kiiloo garaam.

Mid ka mid ah kalluunkaas oo qiyaastii saddex kiiloo ahaa ayaa la iga siiyay laba doollar ($2).

Way yartahay, dunidana naadir ayay ku tahay in laba nin ay muddo 15 daqiiqo ka yar iyaga oo aan badda gudaha u gelin ay helaan qiyaasta soddon kiiloo oo kalluun ah.

Khayraadka yaalla badda dalkeennu waa mid runtii inta badan dadkiisu ay ka qatanyihiin, waxase xusid mudan in dadka Soomaalida in badan oo ka mid ah ay ka shaqeeyaan baabi'inta khayraadkaas, halka ay ka indhosaabanyihiin ka faa'idaysigiisa.

Sawirro dheeraad ah ka daawo xagga hoose. 









Adam Shardi Ahmed
www.adamshardi.blogspot.com
Skype ID: adam.shardi
Soundcloud: https://soundcloud.com/adam-shardi
Facebook: ashardi1